Published On: Wed, Apr 26th, 2017

Ciidamada Muran-gobaleedka Puntland oo gacana ku dhigay 5 nin oo ka tirsan kooxaha qaraxyada fuliya iyo alaabtii qaraxyada samaynaysay

Boosaao (BMC)-Ciidamada Muran-Gobalkeedka waqooyi bari ee Somaliy ayaa gacanta ku dhigay 5 nin oo ka maleegayey qaraxyo ay doonayeen inay dadka Boosaaso ku halligaan,baadhitaanno kaladuwan oo xagga amniga ah oo ay qaadeen ciidamadu ayey ku soo heleen raggaasi iyo gaadhigii ay usaaraayeen waxyaabaha qaraxyada sameeya oo ay ka mid ahaayeen 3 foosto ah nooca shidaalka lagu keeno oo ay ka soo buuxiyeen aaladaha qaraxa iyo qalabkale oo kamida noocyada dabka dhaliya.

sarkaalsare oo ka tirsan maamulka Madaxtooyada Muran-land ayaa sheegay inay ciidamadaasi ku soo guuleysteeen qabashada raggaasi doonayey inay dadkaladuwan ku qarxiyaan 3 goobood oo kaladuwan oo ay u qorsheeyeen inay bartilmaadeed sadaan hasayeeshee ilaahay baa ka soo gaadhay umaddaa  masaakiinta ah ee ay gumaadi lahaayeen kooxdaasi,Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadu muu sheegin goorta raggaasi Maxkamadda la soo taagidoono iyo waxa ay mudan doonaan toona.

www.Baadiye.com