Published On: Tue, Feb 14th, 2017

DEG-DEG: Man City Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Xaalada Dhaawicii Gabriel Jesus Ku Soo Gaadhay Kulankii Bournemouth

Kooxda Manchester City ayaa warbixin caafimaad ka soo saartay xaalada dhaawicii xidiga kooxdeeda ee Gabriel Jesus ku soo gaadhay kulankii Bournemouth, waxayna xaqiijisay in da’yarkan uu soo gaadhay dhaawac jabniin ahi. Gabriel Jesus ayaa daqiiqadii 15 dhaawac looga saaray kluankii Bournemouth waxaana lagu soo badalay Aguero.

Sidii aanu warkii horeba idiinku soo gudbinay waxaa laga cabsi qabaa in xili ciyaareedkii Gabriel Jesus ee Manchester City uu soo dhamaaday kadib markii uu soo gaadhay dhaawac niyadjab wayn ku ah Guardiola iyo kooxdiisa horumarka fiican sameeyay tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay, waxayna Man City xaqiijisay in Gabriel uu jabniin ka soo gaadhay lafta cagtiisa balse waxay sheegtay in baadhitaano dheeraad ah la marin doono.

Baadhitanakii ugu horeeyay ee Gabriel Jesus lagu sameeyay ayaa cadeeyay in uu soo gaadhay dhaawac uu ugu yaraan la maqnaan karo muddo saddex bilood ah taas oo la micno ah in uu gabi ahaanba seegi doono kulamada xili ciyaareedkan uga hadhsan kooxdiisa Man City.

Qoraalka ay Manchester City ka soo saartay xaalada dhaawac xidiga kooxdeeda ee Gabriel Jesus ayaa lagu yidhi: ” 19 sano jirkan ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 15 aad isla markaana waxaa qiimeeyay shaqaalaha caafimaadka, waxa uu mari doonaa baadhitaano dheeraad ah maalmaha soo socda si loo ogaado muddada uu maqnaan doono”.

Qoraalka Man City oo sii socda ayaa lagu yidhi: ” Jesus waxa uu dhaliyay saddex gool shan kulan oo uu ka soo muuqday Manchester City tan iyo markii uu ka soo wareegtay Palmeiras wuxuuna bishii January helay amaan aad u wayn  sida uu ula qabsaday kubbada cagta England”.

Man City ayaa wanaag u rajaysay xidiga kooxdeeda waxaana qoraalka lagu yidhi: “Waxaanu Gabriel u rajaynaynaa ka soo kabsasho deg deg ah waxaanan idinla socod siin doonaa wararka ugu danbeeya ee horumarka uu sameeyo maalmaha soo socda iyada oo la sii marayo saxaafada rasmiga ah ee kooxda”.

Sky Sports ayaa sheegay in Manchester City ay cadaysay in Gabriel uu lafta canqowga ka jabay taas oo soo gabagabayn karta in Gabriel uu markale safto xili ciyaareedkan. Dhaawaca soo gaadhay Gabriel ayaa fursad kale siin doona Sergio Aguero oo 19 sano jirkan booskiisa u waayay.