Published On: Sat, Apr 29th, 2017

Wasiirka warfaafinta Eng Cabadiraxmaan Yariisaw oo sheegay inay xukuumaddu wax ka badal ku samayndoonto xeerka Saxaafadda

Muqdisho (BMC)-Wasiirka wasaaradda wafaafinta iyo wacyigelinta Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisaw” ayaa sheegay inay xukuumada uu ka tirsanyahay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo qorshanayso inay wax ka badal ku samayso xeerka  saxaafadda ee lagu dhaqo warbaahinta Somaliya.

arrintani waxay ka dambeysay kadib  markii ay koox Suxufiyiin ah oo ka tirsan warbaahinta  madaxa banaan ee aan Xukuumadda afkeeda ku hadalin waxaanay  ka wada hadleen arrimaha warbaahinta iyo caqabadaha ku jira qaarkamida qodobada xeerka saxaafadda.

Mr Yariisaw waxa uu sheegay maadaama ay soo soo noqonoqtay cabashada saxaafaddu soo noqnoqotay isla  markaana ay suxufiyiinta ka hawlgala warbaahita madaxa banaan u tiirinayaan inay xukuumadihii talada isaga dambeeyey samaysteen xeer aanay ku qanacasanayn qaarkamida qodobadiisa inay xukuumadan Farmaajo doonayso in dib eegis lagu sameeyo qodobada xeerka saxaafadda si loo xalliyo cabashooyinka saxaafadda maxabanaan.

Mr Yariisaw waxa uu sheegay inuu dhagaystay cabashooyinka warbaahinta Somaliya ee la xidhiidha qodobo kamida xeerka warbaahinta diyaarna ay xukuumaddu u tahay inay dhageysato qaylodhaanta saxaafadda ee ku aadan xeerka warbaahinta waxaanu xubnihii suxufiyiinta ahaa ee la kulmay u sheegay inay xafiiskiisa u soo gudbiyaan qodobada ay ka cabanayaan ee xeerkaasi “waxaan dhagaystay cabashooyinka saxaafadda ee la xidhiidha ee talooyinkooda ay ka qabaan dib  eegistaasi”

www.Baadiye.com