Published On: Sun, Apr 30th, 2017

Kulan lagu daah-furayey Ololaha (Nambar U Badal Qorshahaaga) Oo Ku Socota Xisbiyada Siyaasadda oo lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa (Sawirr)

Hargeysa (BMC)-Ururka maxalliga ah ee Dalsoor ayaa ka hadlay waxa ka dhalankara arrimaha siyaasdeed ee sidii la rabay si aan ahayn u socda,sidaana waxa uu ururkaasi oo ku sheegay munaasibad uu ku qabtay Hotelka Maan-soor eee Hargeysa, Gudoomiyaha ururkaasi Maxamuud Jaamac “Xamdi” oo munaasibaddaasi ka hadlay qabyaaladda iyo reeraysigu raadka ay ku reebayaan maskaxda dhalinyarada soo koryesa.

Hogaaanka sare ee ururkaasi Dalsoor,musuuliyiin ka socotay xisbiyada siyaasadda,dhalinyarada xaafadaha Hargeysa iyo bahda warbaahinta iyo dadkale ayaa ka soo qaybgalay munaasibaddaasi,Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Hargyesa ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Maxamed oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay ka xisbi ahaan soo dhaweynayaan tartanka ay la galayaan xisbiyada kale isla  markaana ay diyaar u yihiin tartankaasi doorashada Madaxweyne-nimada loo madlanyahay.

Gudoomiye xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid Cabraxmaan oo isna halkaa ka hadlay waxa uu la  hadlay xisbiga Kulmiye ee talaa dalka haya iyo sida uu wax u wadaan masuuliyiinta xukuumadda Kulmiye waxaanu Mr Cabdiraxmaan soo jeediyey inay masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye sidan wax ka badalaan hogaaminta qalloocan waa sida uu dalka u sheegay e.

Mr Cabdirashiid oo ku hadlayey magaca ku xigeenka xoghayaha ganacsiga ee xisbiga Waddan oo halkaa ka hadlay waxa uu halkaa ka soo jeediyey cabashooyinka siyaasadeed oo xisbigiisa Waddani gaar ahaan masuuliyiin horey xisbga looga xidh-xidhay iyo kuwohore leh oo shalay laga xidhay isaga oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “xumuumaddu waxay cabudhin iyo cagojouglaynba ku haysaa xisbiga Waddani waxaana shalay dhacda oo maragg ma doon ah in shalay Maxkamadda horteeda loogu hanjabayey iyadoo markii dambana halkaa inta laysku jabiyey lagu xidhay Cabdullaahi Axmed Daamur oo ahaa xubinsare oo kamid ahaa Xisbiga Waddani” ayuu yidhi Mr Cabdiashiid.

waxaa iyana halkaa ka hadlay Mayryan Xurmo oo ah Gabadh Abwaanad ah waxaanay halkaa ka soo jeedisay Gabay aad loogu khushuucay oo nuxurkeedu ahaa arrimaha waddaniyadda isla markaana guubaabinaysay dhalinyarada iyo sidii ay xuquuqdooda ay ku leeyihiin dalka uga helilahaayeen.

waxaa iyana halkaa ha hadashay Maryarn Xaaji Octobar oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye waxaanay ka hadashay arrimaha madasha lagaga hadlayey gaar ahaan Mucaaradka sida Xisbiga Waddani iyo fikirkooda mucaaradnimo oo sida ay sheegtay wax ka khaldanyihiin marka la eego dhinaca waddaniyadda “anigu markaan mucaaradka ahaa Daahir Riyaale waxa uu ahaa Madaxaweynahayga calanka Somaliland-na waxa uu ahaa calankayga” ayey tidhi Ms Octobar.

waxaa isna gabagabadii halkaa ka hadlay Guroomiyaha ururkaasi Dalsoor Mr Maxamuud Jaamac “Xamdi”waxaanu sheegay inay madashan kaga dhawaaqayaan olole loogu magacdaray “Number” u badal qorshahaaga” isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “maanta waxaanu rabnaa inaanu halkan kaga dhawaaqno olole aanu ugu magacdarray Number u badall qorshahaaga”

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa