Published On: Sun, Apr 30th, 2017

Suldaanka guud ee beelaha Subeer-awall oo wasaaradda arrimaha gudaha ku hambalyeeyey xannibaadda aysaartay caleemo-saarka Sulaadiinta docwareenka ah ee dalka ku soo badanaya

WAR MURTIYEED KOOBAN OO DHAQAN Ku socda WASAARADA ARIMAHA GUDAHA JAM.SOMALI LAND…

Hargeysa (BMC)-Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray wasaaradda arrimaha gudaha kuna ammaanay gao’aankii ay ku xanibtay caleemo-saarka xafladaha sulaadiinta ee xadhiga goosatay.

waxaanu Suldaanku sidaa ku sheegay Bartiisa Facebook ee uu arrimaha bulshada waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:waa hubaal in wasaaradani xilweyn oo culus qaranku  u igmaday oo aan la qiyaasi karin amniga dhaqanka Wada shaqaynta u badan la wadaagto madaxda dhaqanka sida adkeynta nabad gelyada xoojinta midnimadada shacabka iyo illaalinta qarinamada.

waxkasta oo dhib ku ah xilkeedu waa mid baaxadle oo ay wasaraddani u igmantahay waana inay markasta xil iska saarto sidii ay umada iyo dhaqankaba wixii burburin ku soo qaadaya waa inay gaashanka u daruurtaa.

waxa indhowaale inagu soo badanayay darajo madax dhaqmed oo been abuura oo xadhka dhaaftay una baahan intaan dalku fowdo galin in dawlada iyo dhaqanku iska kaashadaan oo la anshax mariyo waa talaabo guula xukuumadu tan ay hore u qaaday ee suldankii dhawaan naga geeriyoday suldan jamac ee Abdiraxman go’aanka ay ka qaadatay waanu ka shirnay shir isgaadhsiinta ah mudo labadii habeen ee u danbeyay.

anigoo ku hadlaaya taajka guud ee saldanadda beesha awal waxaan hambalyo u dirayaa wasaarada arimaha gudaha jsl inay gudaha dhigto sharcigana noo horkeento cid waloo dhaqan bi’is ah oo ku xadgudubta dhaqanka taasoo dhawaan hadii alle yidhaa markan guryo noqdo awal u balamay inaanu wax iska weydiino talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku raad gadatana haday tahay caaqil iyo qof waloo gar gaaraya burburinta dhaqanka waa soo gudbinaynaa dawladu si ay dhamaan u anshax mariso waanan ku garab joogna wada shaqayn buuxda oo dhexmarta dawlad iyo dhaqanka.

wabilaahi towfiiq alle diinta dalka dhaqanka dadka haynoo xafido wax kasta oo dhaqankena duulimad ku ah dawlad iyo shacab iyo dhaqan waa isu kaashan doonaa intaanay inagu fidin labadii sano ee udanbeeyay jilaafoyinka dhaqan ee lagu carqaladaynaayay lagu burburinaayay lagu wiiqaayay waa inagu badnaayen lagase hadhimaayo waanu ujiheyn WABILLAAHI TOWFIIQ.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa