Published On: Sat, May 6th, 2017

Xafladd-ballaadhan oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka warshadda caalamiga ah ee sibidhka Diridhaba ee dalka Itoobiya oo lagu qabtay Hotelka Maan-soor (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Xafladd ballaadhan oo si quruxbadan loo soo agaasimay isla markaana lagu soo bandhigayey wax soo saarka warshadda caalamiga ah ee Diridhaba ee dalkaasi Itoobiya ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa,munaasibaddax afladdaasi waxaa ka soo qaybgalay Zementfes G/Egziabher oo ah Gudoomiyaha shirkaddaasi National Cement oo xarunteedu tahay magaalada Diridhaba,ku xigeennadiisa iyo xubno kale oo ka tirsan isla maamulka shirkaddaasi iyo sariikiisha safaaradda Itoobiya ee xafiiska Somaliland.

dhanka kale waxaa madashaasi ka soo qaybgalay wasiirka Ganacsiga Cumar Shucayb,Wasiirka hawlaha guud Cali Faarax iyo wasiir ku xigeennada caafimaadka,dib u dajinta,Gudoomiyaha hay’adda waddooyinka Xasan Cali,xubno ka tirsan golayaasha Baarlamaanka,Ganacsato farabadan waxna soo dajiya waxna dalka ka dhoofiya iyo dadweyne kale oo farabadan oo gaadhay 150 oo qof,furitaankii munaasibaddaasi waxaa ka hadlay

Wariye Cabdiraxmaan Xirsi Heello oo barnaamijkaasi daadihinayey waxaanu ka soo qaybgalayaahsii xafladdaasi u sharxay xafladdani waxay ku saabsantahay iyo sababta loo Halkan loogu qabtay,Mr Heello waxa uu codbaahiyaha ku soo dhaweeyey Mr Sakay oo ku hadlayey magaca xafiiska Safaaradda Ethiopia ku leedahay Somaliland waxaaanu ka hadlay xidhiidka labada dalka dhexeeya sida Nabadgaliyada,Ganacsiga.

waxaa isna halkaa ka hadlay CEO ga shirkadda National Cement Zementfes G/Egziabher waxaanu ka warramay  ujeedada xafladdan loogu qabtay Somaliland taasoo uu ku sheegay inay tahay sidii ay u raaligelin lahaayeen macaamiisheeda ku xidhan ee wax ka soo iibsaday sida Ganacsatada dhismaha ka shaqeeya.

Mr Semenfes waxa uu sheegay isaga oo ku hadlaya magaca shirkadda National Cement industry isaga oo arrimhaa ka hadlayena waxa uu yidhi “aniga oo ku hadla magaca Shirkadda National Cement waxaan ku faraxsanahay inaan caawa halkan idinkala  hadlo sidii aanu u raali gelin lahayn macaamiishayada qiimaha badan ee Warshadda wax ka soo iibsada” ayuu yidhi Mr Semenfes.

dhanka kalana waxa uu sheegay Mr Semenfes inay Warshadda National Cement soo dhaweynayso ganacsatada Somaliland isla markaana ay ka helidoonaan Shamiinto tayadeeda la tijaabiyey isla markaana laga isticmaalo dalka Itoobiya oo dhan iyo dalka Djibouti,sidookale film kooban oo lagu soo bandhiya madashaasi oo ka hadlayey taariidkhda warshaddaasi lagu sheegay inay hadda warshaddu soo saarto maalintiiba ilaa 4oo oo tan.

ducoment-gaasi waxaa uu sheegay inay warshaddu leedahay qalab casriya oo u dhigma kan waddamada horay u maray taasoo keentay in Warshadda National Cement ay ISO gudoonsiisay shahaadada caalamiga ee aqoonsiga heer caalami,Cabdillaahi Cabdi Muuse “Bakayle” oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay Ganacsatada reer Somaliland ku xisaabtamaan sidii ay dalkooda hooyo uga soo saari lahaayeen kan Itoobiya oo kale si ay Somaliland uga maaranto tan uga imanaysa Itoobiya balse meesha kamuu saarin xidhiidka ganacsi ee labada dall inuu yahay mid muhiim ah.

waxaa isna halkaa ka hadlay General Maxamed Aadan Doolaal oo ka soo jeeday kililka 5 aad waxaanu soo jeediyey inaysan Somaliland gadan doonin sibidhka Itoobiya balse ay taa badalkeeda ka soo iibsanayaan Shiinaha,cumaan,Dubbay iyo meelo kale isaga oo harrimahaa ka hadlayana waxaa  hadalladiisii kamid ahaa “caawa waxay itoobiya idin leedahay waar wax ma kala iibsanaa” Generaal Doolaal waxa uu sheegay inay dekadda Berbera Itoobiya iyo Somaliland wada leeyihiin waxaaana hadalladiisii kamid ahaa “marka laysugu yimaaddo meelahaa waxaa la yidhaadaa Itoobiya qaadka mooyee waxkale noogama yimaaddo”

isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “maxaad u leedihiin Itoobiya qaadka uunbaa nooga yimaada kabahaad ka biisanaan oo dacaskaad ka iibisaan oo masaabiirtaad ka iibisaan oo diracaad ka iibisaa wajaale ka bilaw ilaa lebisagaalo inta habeenkii gaadhi maraysa waxa ay sii wadaani waxay ka soo dageen Dekadda Berbera” ayuu yidhi Generaal Doolaal.

waxaa isna halkaa ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ah mudane ka tirsan golaha wakiillada waxaanu sheegay inay jiraan xidhiidh fiican oo ka dhexeeya labada dal waxaanu carrabka ku dhuftay inay jiraan dad farabadan oo itoobiyaan ah oo Somaliland dagan  isla markaana ka shaqaysta oo meherado farabadan oo ganacsi ah ku leh sidookale ay jiraan Somaliland dad u dhashay ku noolyihiin kana ganacsadaan Itoobiya.

dhanka kalana waxa uu xusay mushkiladda qiimaha sii kordhaya ee dhulka Somaliland oo baloodhkii la kala siisanayo qiimo ka badan kan guri dhan laga siisto dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska,Mudane Xirsi waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay ganacsatadu ka shaqeeyaan sidii dib loogu dhisilahaa warshaddii sibidhka ee Berbera “Ganacasatadeenna waxaan leeyahay dekaddeenii Berbera waa inaad ku fikirtaan sidii dib loogu kicin lahaa”

Mp Maxamed Cali Xirsi “Obama” waxa uu xusay dalka kaliya ee ay Somaliland saaxiibka la tahay inuu yahay Itoobiya isla markaana ay abaalbadan ku leedahay Somaliland isagoo dal

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa