Published On: Wed, May 10th, 2017

Shirka London iyo qorshaha cusub ee faragelinta reer Galbeedku la damacanyihiin sidii ay u hantiyilahaayeen dhaqaalaha Somaliya

Hargeysa (BMC)-Mas’uuliyiin sar sare oo ka kala imanaya in ka badan 40 wadan oo caalamka ah Bangiga Aduunnka iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan Magaalada London ee Dalka Ingiriiska 11 Bishan May Sannadkan 2017-ka kuna beegan Maalinta Khamiista ah ee beri halkaasoo shir arimaha Soomaaliya lagaga hadlayo uu ka dhacayo iyadoo uu socon doono hal maalin waxaana ajandayaalka shirka lagaga hadlayo ugu waaweyn Qorshaha Amniga, Dib u habeynta dhaqaalaha iyo Kaalmada abaaraha, waxaa kaloo ku jira arrimaha siyaasadda kuwa ugu muhiimsan sida dib u eegista Dastuurka iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah Sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Haweenayda Ra’iisal wasaaraha ka ah Dalka Ingiriiska Theresa May ayaa la filayaa in wada jir ay u guddoomiyaan shirka.

Dhinaca kalase waxaa jira fikrado kale oo ku tilmaamaya shirka in uu yahay qorshe reer galbeedku uga golleeyahay sidii uu faragalin ugu sameyn lahaa Soomaaliya si uu u hantiyo Illaha dhaqaale ee Soomaliya Mustaqbalka.

Global Forum oo ah hay’ad wax indha indheysa oo raacsan Qaramada Midoobay ayaa waxey daabacday warbixin Soomaaliya ku saabsan oo ka kooban 14 Bog, warbaxinta ayaa lagu sheegay in xiiseynta cusub ee reer galbeedka Soomaaliya ay uun tahay sidii lagu heli lahaa Macdanta ceegaagta dhulka Soomaaliya ee isugu jirta Birta ( Iron Ore) yuraaniyamta, Maarta, Gaaska dabiiciga ah iyo qiyaastii 5 illa 10 Bilyan oo Barmiil oo shidaal ah lacag ahaana ah 500,Shan boqol oo Bilyan oo Dolarka Mareykanka ah.

Warbaxinta ayaa waxaa lagu sheegay sidoo kale in dadaalada isdaba jooga ah ee lagu dalbanayey in Soomaaliya la geeyo ciidamo Shisheeye si loo xasiliyo aysan wax macna ah u lahayn xalinta mashaakilaadka heysta Soomaaliya.

Bill Fletcher oo wax odorasa ayaa wuxuu ku doodaya in reer galbeedku aysan ka walaacsaneyn deganaan la’aanta siyaasadeed ee Soomaaliya ka jirta waxaana isagoo arimahaas iftiiminaya uu yiri sidan:

Ma maleynayo in reer galbeedku ay walaac ka qabaan in Soomaaliya ay aheyd dowlad la’aan muda ka badan 25 sano waxa ugu weyn ee walaaca reer galbeedku ay qabaan ayaa waxa uu yahay khatarta ka’imaneysa argagixisada, Mareykanka ayaana amuuraha kaga sii daray ayuu sii raaciyay Khabiirkan hadalkiisa isaga oo isla markaana sheegay in illaa dowladii Madaxweyne Bush-kii 2-aad dadaaladi ay sameysay ay uun si kordhisay in ay si weyneyso khatarta argagaxisnimo ee markaas ka imaaneysay Soomaaliya.

Reer galbeedku waxey si idha la’aan ah isugu dayayaan in ay gacanta kusii hayaan illaha dhaqaale ee khaarada Afrika sidaa darteed waxa hadda Soomaaliya ka dhacaya kama duwana waxa ka dhacaya dalka Jamhuuriyada Dimuquraadiga Congo ee ah in boob loo geysto illaha dhaqaale sidaana waxaa sheegay Omowale Sowere oo ah qoraa ka tirsan Sahara Report.

Waxey ku qariyaan Reer galbeedku damacooda siyaasadaha Caalamiga ah qaraarada qaramada Midoobay iyo iyaga oo sheega mar walba in loo baahanyahay faragalin si loo sameeyo kaalmo bani’aadanimo ayuu sii raaciyay Omwale Sowere.

James Paul oo ah madaxa Global Forum ayaa isana wuxuu ku doodaya in reer galbeedku ay isticmalaan uun awood si ay ku garaan danahooda dhaqaale iyo siyasadeedba, awoodaha waaweyn sida Mareykanka Ingriiska iyo Faransiiska ma yaqanaan wax kale oo aan ka aheyn awood ayuu sii raaciyay Mr James.

Shabakada wararka ee Ban African News Wire ayaa waxey iyaduna mar sii horeysay daabacday in ciidamada difaaca Kenya iyo Ethiopia ee galay Soomaaliya Bishii October Sannadkii 2011-kii hagidooda ay si toos ah kaga imaaneysay Aqalka cad ee Mareykanka iyo waaxda difaaca Mareykanka, shabakada ayaa waxey qortay sidoo kale in wadamada Mareykanka Faransiiska iyo Israel ay si toos ah uga qeyb qateen dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.

Dadka wax indha indheeya ayaa waxey sheegayaan in reer galbeedku rabaan in Soomaaliya ay u noqoto keyd laga soo baxsho shidaalka iyo macdanta mustaqbalka si ay ugu sii quudiyaan dhaqaalahooda, warbixin ay daabacday majalada The Guardian ee kasoo baxda London ayaa lagu sheegay in isbahaysiga caalamiga ah oo ku shiray Magaalada London ay dajiyeen fikrad deg deg ah xagaagii Sannadihii 2010-kii iyo 2011-kii taas oo lagaga hortagayo burcad badeeda iyo Al-shabaab iyada oo lagu heshiiyay in Cirka iyo Badaba laga duqeeyo saldhigyada Al-shabaab iyo burcad badeeda.

Sidoo kale waxey sheegtay The Guardian in diyaaradaha cidna aysan wadin ee loo yaqaan “Drones” bar tilmaameedsanayeen xoogaga Al-shabaab in muda ah iyadoona lasoo warinayo in dalalka kala ah Mareykanka, Ingriiska, Holland iyo Fransiiskuba ay ku lug lahayeen Weeraradaas.

Omwale Sowere oo ah qoraa ka tirsan Sahara Report ayaa isagu wuxuu ku doodaya in Soomaaliya tahay muhiim istaraatiijiyad ahaan marka ay timaado dagaalka ay reer galbeedku ugu jiraan illaha dhaqaale, waxaa loo baahanyahay in ay dadku fahmaan faragalinta reer galbeedku in ay tahay qorshe ay ku qabsanayaan illaha dhaqaalaha khaarada Afrika.

Gees kalena Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo shirka Soomaaliya ee 11-ka Bishaan loogu qabanayo London ka hadlay wuxuu sheegay inuu yahay mid aan waxba usoo kordhineyn Soomaaliya, Soomaaliyana ay hadda u baahan tahay in wixii loo awoodo la siiyo balse aan shir aan natiijo laheyn lagu mashquulin.

Guud ahaan marka laysku soo duubo shirka ka dhacaya dalka Ingiriiska Bishan May 11-keeda Sannadkan 2017-ka ayna ka qeyb galayaan sida la filayo 40 dawladood iyo ururo caalami ah iyo madax soomaaliyeed waa mid dhoolo tus siyaasadeed ah oo dawlada Ingiriiska ay isku muujinayso ku lug lahaanshaheeda arimaha Soomaaliya xaaladuna waxaa ay kusoo biyo shubaneysaa “Shimbirahayow Heesa” haba yaraateena wax dan u ah qaranka Soomaaliyeed kama soo baxayaan in lagu sii wiiqo mooyaane waxbana kama duwanaan doono Shirkii New Deal-ka Soomaaliya iyo Sannadkii 2013-kii kaasoo dhaqaalihii balaayiinta Dolar ee lagu balan qaaday in Soomaaliya lagu caawindoono ay afka baarkiisa uun aheyd.Waxaa qorey: Abdisalam Hassan Daud iyo Abdulahi Nur Colombo.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa