Published On: Thu, May 11th, 2017

Shirka falanqaynta arrimaha dib u khayaanaynta Somaliya oo saaka ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska

London (BMC)-Saaka waxaa magaalada London ee dalkaasi ingiriiska  ka furmaya shirkii 2-aad ee Somaliyda arrimaheeda dib loogu khayaamaynayo,shikraasi waxa uu daaranyahay sida lagu sheegay warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska Dawladda Ingiriiska u qaabilsan qaban qaabada arrimahaasi.

1-arrimaha nabadgaliyada iyo sidii loo sugi lahaa {oo been ah}

2-dib u habaybta arrimaha siyaasadda iyo maamulka {oo been ah}

3-hor-marinta arrimaha dhaqaalaha {oo been ah}

4-Jawaab ka bixinta arrimaha baahiyaha bani aadamnimada {oo been ah}

5- Galidda heshiisyo cusub oo ku dhisan xidhiidh {oo been ah}

6- iyo dhinaca dhacdooyinka

kulankan oo loogu magacdaray shirka Somalida ee 2017 waxbadani inay ka soo bixidoonaan uma malaynayoo waayo aragnimada aan u leeyahay lugooyada reer Galbeedka iyo dabo-dhilifnimada Somalida gaar ahaan inta faasaddka iyo xumaha hormuudka u soo ahayd 25 kii sano ee la soo dhaaday.

waxa ugu badan ee ka soo bixidoonaa waxay noqondoonaan in dib loo maalgaliyo in kooban oo xulafo ku noqon doonta xaditaanka xoolaha umadda iyo badd iyo berriba sidii horey u dhacday kuwaasoo ah xubnaha ugu sareeya maamulka xuukuumadda fadaraalka ah iyo nacamlayaashooda kabaha u qaada.

uma badna inay shacabkan tabaalaysan ee nabadda iyo noloshaba harraadka badan  u qabaa inay ka helidoonaan wax niyaddooda Dawladnimadii ka dhimatay dib ugu soo celiya isla markaaana ka dulqaada dullinimada Dawladd la’aantu badday iyo aafada qaraxyadan iyo balaayad dibadaha looga soo xawilay.

lagayaabo inay dadka qaarkood yidhaadaan ninkani malaha Dawladda Somaliya ayuuba mucaarad ku yahay balse sidaa maaha laakin waxaan u soo joogay ilaa xilligii Cabdiqaasin Salaad Xasan hadba inta xukuumadda markaa jirta u dalisay iyo nacam-layaashoodu inay isku koobaan wixii dheef ah ee dalka soo gashay dibad iyo gudaba iyagoo  tuuginomada iyo khayaamaynta umadda Somaliyeed garab uga helaya maafiyada cusub ee la baxday beesha caalamka oo ah wax loogu talogalay inay Somaliya xagta hoosteeda uun ku hayaan waligood iyagoo maalinba shax ucub u soo dajinaya si aanay dadka wax ma garatada ahi u fahmin shaadhka khamaamada cusub ee Somaliya loo xidhayo.

waxaan rabaa inaan meell-dhaw ka tuso dadka inta waxgaradka ah ee la socota sida loo qoro farta dib khayaamaynta umadda Somaliyeed “haddii lagu yidhaado inankaaga yari dhengadd “ul” intii qaato hagugu garaaco kii isaga ka waynaa oo xoogg iyo awooddba u leh inuu kaa qabtana yaanu kaa qaban ee wiilalyaryar oo kale oo ciyaall ah oo aan waxba kaaga tari karayn hala guugu yeedho ha kaa qabtaan e kii aad dhashayna marka uu damco inuu kaa qabto inankaagan yar ee kugu caasi garoobay labada gacmood ba halaga xidho siday arrintaasi idinlatahay?

tusaalahaa waxaa lamid ah maanta Somaliyda waxa garaacaya ee qarxinaya ee hadh iyo hurdaba u diiday waa inamadii yaryaraa ee ay dhaleen oo si xun diintu ugu qalloocatay ciddii ka qaban lahaydna waa ciidamadii xoogga dalka Somaliya ee awoodda u lahaa sugidda nabadgaliyada dalka iyo dadkaba sidii ay ahaanjireen.

9 kii Dawladood ee burburkii 1991 kii ka dambyee dalka Soomaray ilaa laga soogaadho tan uu Farmaaho hogaaminayo mid wallba waxaa la diidanaa oo cagta hoosteeda lagu hayey ciidamadii awoodda dalka ee Milatriga ahaa oo ay shaqadoodu ahayd inay marxaladahan oo kale dalka ka badbaadiyeen isla markaan nidaamka iyo kala dambeynta habkii dawliga ahaa dalka dib ugu soo celiyaan.

waxaanay maafiyada beenta cusub “beesha caalamka” gadhaga ugu ridayeen qawlaleysatada ay waddamadoodiiba iska soo masaafuriyeen  inay wadaan danaha shacabka Somaliyeed waxaanay iska laaluushaan hadba Madaxweyne ku sheegga markaa ay horjoogaha Somaliya wakiilka uga dhigteen iyo inta isaga ku hoos nool ee ay qadhiinka ku kala goostaan lacagaha ay ku soo dawarsadaan maafiyadaasi “beenta caalamka” la baxday magaca Somaliyeed.

dhalinayradii dalka iyo dadka u soo baxaysayna waxay ka dhigeen derbi ay isaga dhigaan Naaraha ku soo dhacay iyagoo aan siinin wax ka badan mijinta qaadka ah Baakada Sigaarka ah ee ay isku daroogeeyaan si aanay u dareemin darxumada ay ku noolyihiin,iyagoo dadka ay laynayaanina yahay waalidkood iyo walaalkoodii la dhashay.

shirkan maanta Londonka furmay waxba kama duwanan doono kuwii horey magacyadan oo kale loogu bixinjiray oo nuxurka ka soo baxaana uu noqonjiray xaflado qruxbadan iyo sawirro ay kaamaradaha isku qabtaan Somalida hurudda ee damiirkii laga dilay iyo maafiyada beenta cabsiisa kaba qaadyada “stooges” wakiillada uga xatooyada dheeftii qarankii Somaliya ee ay iyagu burburiyeen.

Haadda duusha nooc kamida ayaa lagu xantaa doqonimo iyo nacasnimo aan xad lahayn waana  bahasha la yidhaado “XUUNSHADA” waayo way dammantahay oo horey uma dareento mushkiladda ay cagaha kula jirto iyo xanuunka dhibaatada ku soo foolleh sidaa darteed gabaad iyo meell ah dhaxamaha iyo roobka ka gasho sida haadda kale ma samaysato ee waxay dhibicda roobka iyo dhaxantuba ku dilaan iyadoo saaran dhakada sare ee Geedaha ugu dhaadheer.

markaa maalin maalmaha kamid ah ayaaa lagu yidhi “Xuun-shooy Nabigii dhimay”CSWS” markaa sidii looga dhawrayey inay naxdo oo ay dareen murugo leh ka muujiso arrinta xanuunka badan ee Geerida NNNKH ayey si dhibyar ugu jawaabtay “markii uu noolaaba xaar-kaan cunayey  haddana hadduu dhintay xaar-kaygii uun baan iska sii cuni”

odhaahdaa xuunnshadu waxay lamid-tahay inta Somalida maanta u talisa ee ay beeluhu daba socdaani waxay dalka iyo dadkaba soo xadayeen 25 kii sano ee la soo dhaafay waxaanay ku soo faraxalanayeen dhiigga umadda aan hubaysnayn markaa damiirkii waddaniayddu wuu ka madoobaaday  manaha laha iimaan iyo aragti islaamnimo midna hadaad ku tidhaado waar maad dalka iyo dadka sidan u dhaantaan oo aad dilka iyo boobka ka daysaan umadda waxay ku odhanayaan “dalku sidan uunbuu ku soo socday ilaa wixii Siyaad Barre ka dambeeyey markaa waa iska caadi ee la qabso”

ileen tan iyo 25 kii sano ee la soo dhaafay Somaliya dilka dadka,boobka hantiduba sidan uunbay dhimashada iyo dhaca hantiduba soo ahaayeen e,kan ganacsadaha xaaraan ku naaxa ah ee dhiigg miiratoobay aad waydiiso “waar maad shacabka sidan u dhaantaan oo aad maciishadda ka jabisaan waxa uu kuugu jawaabayaa “adeer aniga kaligay maxaa i kaatusay ganacsada kale oo dhami waa sidaase  maad iyaga la hadashid maxaa bakhaarkayga kugu soo jeediyey waligayaba sidaa uun baanu ku soo ganacsanjirray tan iyo Siyaad Barre wixii ka dambeeyey e”

kan dhiigyacabka ah ee ku soo dhashay iyadoo wax uun la dilayo hadaad ku tidhaado waar dadkan maxaad ku laynaysaa?waxa uu ku odhanayaa iyagoo la laynayo uun baan soo gaadhay wax alla wax uu dadkaa ku laynayo oo aad ugu garawdo kuu sheegimaayaan kuwa dadka laynayaa oo aan ka ahayn uun inay tahay fitno aan lahayn albaabkii laga xidhi lahaa.

waxaan xasuustaa mid aanu Barigii Siyaad Barre jaar ahayn baa markii uu dagaalkii dhacay ay isaga iyo kii ka yaraa iyo Aabahood-ba qoryaha qaateen markaasay dadkii jaarka ahaa gambta u joogsadeen oo xaafaddii ay caan ka noqdeen midwaliba waxa uu kaxaystay gaadhi tikniko ah “armed vehicle” iyo 20 nin oo dadka u laayaha guryanaha habeenkii u dhaca oo naagaha kufsada.

markay shaqadaa wadeen in muddo ah oo xattaa gurigii aan anigu daganaa ee laygaga tagay ee ammaanada igu ahaa intay u dhaceen ay goor habeenimo ah soo bililiqaysteen wixii yaallay oo dhan,ayuu maalin dambe ii yimid isagoo qaad wata dabadeedna waxa uu igu yidhi “sxb maanta waxaan rabaa inaan kula fadhiisto oo aan meell ku wada qayillo” waayahay baan ku idhi waayo hadaan odhan waayo waxaan ka baqayey inuuba intuu ii cadhoodo xabad igu dhufto markaa waayahay ee ii kaalabay baan ku idhi.

markii uu qayilay ee ay daroogadii jidhkiisa si fiican u gaadhay ayuu tartay ” hadal badan galay” markaasuu intuu is badalay siduu u qayilayey yidhi “horta sxb waxaan ku waydiinayaa qofkii dadbadan laayay toobo maleeyahay oo malaga aqbalayaa hadduu toobad keeno?

markaasaan ku idhi haa towbad wuu leeyahay oo ilaahay SWTC toobada wuu aqbalaa ee maxaa dhacay? markaasuu yidhi ” nin yahow dad badan baan laayey” markaasaan ku idhi oo imisaad dishay? markaasuu yidhi “anoo 20 hore dilay ayaan dorraad galabtii soo marray aniga iyo ciidankii aan watay meel Baydhabo agteeda ah oo ka sokeysa dabadeedna aad baanu u harraadnay oo biyo la’aan baa nagu dhacday kadibna markii ay cadceedu sii dhacysay ayaannu ku leexanay reer wadada dhinaceeda dagan “qoys reer miyi ah” markaa saanu ku nidhi biyo na waraabiya markaasay odaygii iyo islaantii iyo 3 caruura oo ah dhaleen oo guriga for fadhiyey yidhaadeen annaguba sidiina oo kale ayaannu biyo la’aan nahay oo waxba ma haysano”

“dabadeedna intaan cadhooday ayaan odaygii iyo islaantiiba min 5 xabadood ku dhuftay” ayuu yidhi markaasaan waydiiyey markaad labadii waaweynaa ee aabihii iyo hooyadiiba dishay 3 yaryarayd sideed tidhi iyagiina ma halkii baad kagaga tagteen? markaasuu yidhi “dee mayee markaan hooyadood iyo aabahood ka dilay ayaan  ka baqay inay i habaaraan markaa waxaan is idhi intay ku habaari lahaayeen iyagana waa inaad laysaa markaa 3 doodii yaryaraana markay oohinta isku dareen ayaan iyagiina Baas “rasaas” mariyey”

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa