Published On: Mon, May 15th, 2017

Shirballaadhan oo lagu faaqidayay arrimaha shaqo-abuurka iyo kaalinta Technology-yadda iyo warshadaha oo lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Shirballaadhan oo lagu naaqishayey arrimaha shaqo abuurka  oo  lagu qabtay Hotelka  Maan-soor ee ayaa si ballaadhan loogaga dooday caqabadaha shaqo-la’aanta dhalinyarada iyo sida ay farsacada casriga ah ee Technology-yaddu uga qaybqaadan gaar ahaan dhinaca warshadayntu inay dhalinhyaradu shaqooyin helaam.

shirkaasi oo si quruxbadan looga soo shaqeeyey abaabulkiisa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka East Africa Solution,waxaana ka soo qaybgalay wasiirka caddaaladda Axmed Cadarre,Jaamac Cabdillaahi “Biin” wasiiru-dawlaha arrimaha,wasiiru-dawlaha shaqada io arrimaha bulshada Cabdi Daahir Camuud,wasiir ku xigeenka Ganacsiga Maxamuud Warsame,Jamciyadda samafalka ee Alraxma,Jaamacadaha iyo dadweyne kale oo farabadan.

furitaankii shirkaasi waxaa ka  hadlay Saraakiisha ururka barnaamijkaasi soo qaban qaabiyey ee Bariga Africa Raage Axmed Yuusuf waxaanu u mahadceliyey ka soo qaybgalayaashii xafladdaasi ka soo qaybgalay,sidookale Jamaal oo ah isaguna xubin kamida aas aasayaasha ururkaasi oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay sharafwen u tahay inay dalkooda hooyo u yimaadeen sidii ay shaqo ugu abuuri lahaayeen 1000 dhalinyaro ah oo dalka shaqo la’aani ku hayso “waxaa sharafweyn noo ah inaanu dalka u nimid sidii aanu shaqo ugu abuuri lahayn 1000 dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah” ayuu yidhi Mr Jamaal.

wasiiru dawolaha shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Daahir Camuud oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey  ururkan East Africa Solution shaqo abuurka ay dalka ka hirgalinayaan waxaanu dhalinyarada shaqada loo abuurayana ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan shaqadan oo ah mid xagga Internet-ka noqonaysa.

Cabdillaahi Jaamac Biin oo halkaa ka hadlay wax uu sheegay inay qiimo badan ugu fadhido shaqo abuurkani ay la yimideen dhalinyaradaasi “inamadaa 1000 ka dhalinyarada ah inoo shaqaalaysiinayaa kun jeerbay mahadsanyihiin” ayuu yidhi Mr Biin waxaanu dhalinyarada dalka joogtana ku boorriyey inay iyana fadhiga ka kacaan oo ay wax uun la yimaadaan “haddii dee shaqadan laydiin keenay oo ilaa dibadihii laydiinka keenay waa inaan idinkuna wax uun la timaadaan kolley anagu shaqada internet- ka waanu ka gabawnay e” ayuu yidhi Mr Biin.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed Cabdillaahi Obsiiye oo halkaa ka hadlay waxa uu muujiyey sida auu ugu farasaxan yahay inay dhalinyarada ururka East Africa ay kushaqaalasiinayaan 1000 kaasi dhalinayrada ah “ka wasiir ahaan maanta waxaa farxadweyn ii ah inaan idinkala soo qaybgalo xafladdan qiimaha badan ee ururka East Africa Solution” ayuu yidhi Mr Obsiiye.

waxaa isna  halkaa ka hadlay wasiirka caddaaladda Axmed Faarax Cadarre waxaanu soo dhaweeyey shaqo-abuurkana fidinayaan dhalinayarada ururka Xalka Bariga Africa “East Africa Solution” waxaanu yidhi “Raage iyo Jamaal waa laba dhalinyaro ah oo ka kalayimid Canada iyo UK todobaadkii ugu horreeyey ee ay sameeyeen website-koodana waxaa soo booqday kumanaan qof” ayuu yidhi Mr Cadarre.

ugu dambeyntii waxay si wadajira Raage iyo Jamaalba halkaa ugu soo bandhigeen warxinta macluumaadka ururrkoodan iyo sida uu u shaqeeyo ama ay dhalinayaradaasi u fahmi karaan shaqada xagga internet-ka ah taasoo ay dhalunayro farabadani u khushuuceen qaabkii ay dhalinyaradaasi soo diyaariyeen,waxaanay dhalinayaradii ka soo qaybgalay xafladdaasi su’aalo ka waydiiyeen soo saarayaashii barnaamijkaasi waxaanay uga jawaab celiyeen hab casrriya oo ku fadhiya aqoontooda ay u leeyihiin barnaamijkaasi.

Gabagabadii waxaa halkaa ka hadlay Axmed Goolcade oo ka tirsan Jaamacadda Hargeysa waxaanu ka sheekeeyey waayo aragnimadiisa uu shaqada u leeyahay iyo markii uu Maraykanka tagay sanado dheer ka hor caqabadihii ka qabsaday iyo markii dambe sidii uu ula qabsaday waxaanu dhalinyarada ku boorriyey inay shaqada iyagu abuurtaan isla markaana aysan ka xishoon inay qabtaan shaqooyinka hoose oo dalalka ay u tahriibayaanb ay ka qaban layaan amaba ay ka qabtaan kuwii tahriibay.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa